Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musharaxiinta Guddoonka BF oo Khudbado Laga Dhageystay


Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya ayaa dhageystay khudbadaha murashaxiinta u baratamaya guddoomiyaha golaha shacabka iyo murashaxiinta guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Kulankii maanta ayuu mar kale baarlamanku waxa uu ku dhageystay khudbadaha murashixiinta u taagan xilka gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka.

Illaa 10 musharax oo isku soo taagay qabashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanaka Soomaaliya, ayaa kulankii maanta looga dhageystay khudbadaha.

Xildhibaanadii maanta hadlay ayaa badankood ballanqaaday inay wax ka qaban doonaan arrimo ay ka mid yihiin musuq maasuqa, ayna ka shaqeyn doonaan xoojinta amniga.

Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan inoo soo diray.

Musharaxiinta oo laga dhageystay khubado
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:39 0:00

XS
SM
MD
LG