Isku xirrada

Xubnaha Aqalka Sare oo Muqdisho ku Shiray


Xarunta Aqalka Sare

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kal fadhigoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kal fadhigan ayaa ka dhacay dhismaha xarun cusub oo uu Turkiga u dhisay Aqalka Sare, waxaana kalfadhiga iyo xaruntaba xarigga ka jaray madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud.

Xaruntan oo la sheegay inay tahay mid ku meel gaar ah ayaa waxa ay ku taallaa degmada Shibis, waxaana la sheegay inay xubnaha ku shiri doonaan inta laga dhisayo dhisme weyn oo ay yeelanayaan labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Wariyeheena Seynab Abukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

XS
SM
MD
LG