Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo ka Hadashay Dagaalkii Afgooye


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii shalay ay Al-Shabaab kusoo qaadday magaalada Afgooye ay ku dishay sagaal ka tirsan mintiidinta Al-Shabab.

Dawladda waxay qiratay in sidoo kale ay ka dhinteen laba askari. Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sheegay in labada qof ee dhintay uu ku jiro sarkaal ka tirsan nabadsugidda gobolka oo lagu magacaabo Daahir Dikootar.

Guddoomiye Xigeenka Amniga ee Afgooye Mahdi Axmed Xasan ayaa VOA u sheegay in ciidamada dawladda ay dagaal xooggan kala hortageen maleeshiyada Al-Shabab ee weerarka soo qadday.

Waa weerarkii labaad ee Al-Shabab ay ku qaaddo magaalada Afgooye tan iyo bishii Oktoobar. Weerarkii dhacay bishii Oktoobar waxaa ku dhintay siddeed qof oo ay ku jireen lix ka tirsan saraakiil iyo ciidanka magaalada Afgooye.

Nuur Xasan Bukhaari ayaa khadka telefoonka ee Afgooye kula xidhiidhay guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Afgooye Mahdi Axmed Xasan, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey sida uu weerarka u dhacay.

Dagaal ka dhacay Afgooye
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:29 0:00

XS
SM
MD
LG