Xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaaliya ayaa dib u dhigay fulinta 18 kursi oo dheeri ah oo ay horey u sheegeen ii lagu kordhiyey Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed xalay kasoo baxay Madasha ayey ku sheegeen in “ayada oo la tixgelinayo ajendooyinka culus ee baarlamaanka federaalku horyaal dib loo dhigay kordhinta kuraastaas illaa ay ka qabsoomeyso doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.”
Haddaba madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh ayaa VOA uga warramay kuraasta la kordhiyey iyo waliba eedaha musuq-maasuq ee hareeyey doorashada Soomaaliya.
Weriyaheena Sahra Cabdi Axmed ayaa wareysatay.