Isku xirrada

Gabdhihii Kubadda Koleyga Banaadir oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay


Maalin ka hor, waxa Garoowe lagu soo gaba gabeeyay tartankii ciyaaraha kubadda koleyga Gabdhaha ee maamul goboleedyada dalka qaar iyo koox Banaadir mataleysay ay ka qeyb qaateen.

Koobkaasi, ayaa waxa ku guuleystay gabdhihii matalayay gobolka Banaadir, oo ka adkaaday cayaartii ugu dambeysay kuwa ka socday maamulka Hir-Shabelle.

Haddaba, Suweys Cali Jaamac, oo mar noqotay gabadhii ugu fiicnayd tartanka, ayaa wariyaheenna Jamaal Axmed Cismaan wareystay.

XS
SM
MD
LG