Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Musharraxiinta Ugu Cadcad Doorashada Soomaaliya


Doorasho
Doorasho

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu waday in la qabto maalinta Arbacada ah ee soo socota ayaa la filayaa in mar kale dib loo dhigo ilaa waqti dambe oo aan weli la shaacin.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo baxeen khilaafaadyo cusub oo ku saabsan xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee matalaya beelaha Waqooyi iyo khilaaf labaad oo ku saabsan sida laga yeelayo kuraasta la sheegay in la musuqmaasuqay.

Balse dhinaca kale waxaa socda ololaha musharraxiinta madaxweynaha oo billaabay inay kulamo gooni-gooni ah la yeeshaan xubnaha aqalka baarlamaanka.

Haddaba waa kuwee musharraxiinta madaxweynenimo ee ugu cadcad doorashadan. Warbixintan gaarka ah waxaa Muqdishu nooga soo diray Jacfar Kuukaay.

Warbixin: Jacfar Kuukaay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:11:02 0:00


XS
SM
MD
LG