Isku xirrada

War Deg-Deg ah

J/Hoose: Dagaal Dhexmaray Al-Shabab iyo Shacab


Shabaab
Shabaab

Dagaallo ayaa maanta iyo shalay ka dhacay deegaanno dhinaca Galbeed iyo Waqooyi Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo, waxaana dagaalladan ay u dhexeeyaan maleeshiyada Al-Shabab iyo qabaa'ilaad sida ay goobjoogayaal ay noo sheegeen.

Wararka aanu ka helany deegaanka Kanjiroon ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhashay muran u saabsan bixinta Zakada ay Al-Shabab ka qaadaan xoolaha. Dadka deegaanka ayaa wararku sheegayaan inay ka horyimaadeen inay bixyaan xoolo badan oo ay weydiisteen maleeshiyada Al-Shabab.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa VOA u sheegay in Al-Shabab ay ilaa geel dhan 1000 neef ka kaxaysteen deegaannada Yaaq Biraale, Booray iyo deegaanka Kanjiroon.

Waraarka ay heshay idaacadda VOA waxay sheegayaan in maleeshiyada qabaa'ilka ay is-abaabuleen islamarkaana ay dagaal kala hortageen kuwa Al-Shabab. Ugu yaraan saddex qof oo dadka deegaanka ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalladan.

Bishii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Al-Shabab ay weerar ku qaadeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Galguduud ee badhtamaha Soomaaliya ayna geel ka kaxaysteen kadib markii muran ka dhashay zakada Al-Shabab ay soo rogtay.

Ugu yaraan 10 dadka degaanka ah iyo 7 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ayaa ku dhintay dagaalladaas. Maleeshiyaadka Al-Shabab ayaa isgaadhsiinta ka gooyey in muddo ah deegaanka Dumaaye, waxaana la sheegay in geel ka badan boqollaal neef ay kasoo xaraysteen dadka degaanka isla markaana ay gubeen ilaa saddex tuulo oo hoos timaada Dumaaye.

Dhageyso dagaalka Jubbada Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:58 0:00

XS
SM
MD
LG