Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: 7 Askari oo ku Geeriyootay Qarax


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Toddoba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa VOA u sheegay in qaraxa uu ka dhacay Kontoroolkii hore ee Afgooye ee Muqdisho laga soo galo.

Xalane waxa uu sheegay in ugu yaraan 13 qof oo kale oo badankood ay caruur ahaayeen ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Dhinaca kalena qof ismiidaamiye ahaa oo la tuhunsan yahay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa gaari qaraxyo laga soo buuxiyey ku qarxiyey maqaayadda Village ee Muqdisho, halkaasi oo toddoba qof uu ku dhaawacay, isagiina uu ku geeriyooday.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ismiidaamiyaha uu isku qarxiyey bar dadka lagu baaro oo u dhow maaqaayadda Village.

Waxa uu sheegay in baabuurka uu qarxay markii ay ciidamada dowladda oo tuhmay ay soo ceersadeenn.

Weriyaha VOA ee Muqdisho ayaa sheegay in baabuurka la doonayey in lagu qarxiyo baabuur kale oo uu saarnaa sarkaal sare oo ka tirsan booliiska.

XS
SM
MD
LG