Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanada Cusub oo La Diiwaangelinayo


Baarlamanka
Baarlamanka

Xoghayaha Baarlamanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay inay bilaabayaan diiwaangelinta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee la soo doortay, isaga oo sheegay inay liiska rasmiga ah ka tixraaci doonaan kan ay soo gudbiyaan guddida heer federal ee Doorashooyinka Dadban.

Xoghayaha Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanka loo samaynayo kaarka aqoonsiga in looga baahan yahay inuu haysto shahaadada caddaynaysa xildhibaanimadiisa, markaas ka dib ay siin doonaan kaadhka aqoonsiga.

Xoghayaha ayaa sheegay inay maalintii diiwaangelin karaan in ka badan 150 mudane, hase ahaatee culayska jira wuxuu ku tilmaamay in xildhibaannadii ay ku kala maqan yihiin gobollada kala duwan, isaga oo ku baaqay inay soo galaan magaalada Muqdisho si loo dedejiyo diiwaangelinta.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in wakhtigu gabaabsi yahay aanayna suurogal ahayn in baarlamaanku shiro illaa la diiwaangeliyo xildhibaanada.

XS
SM
MD
LG