Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Badan oo ku Dhintay Qaraxa Dekedda Muqdisho.


Dad qaadaya qof ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay meel u dhow dekedda Muqdisho, Dec. 11, 2016.
Dad qaadaya qof ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay meel u dhow dekedda Muqdisho, Dec. 11, 2016.

25 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, in kabadan 40 kalena ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo saaka aroortii ka dhacay afaafka hore ee dekedda magaalada Muqdisho.

Qaraxan waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay kooxda al-Shabaab oo sheegtay inay qaraxaasi ku dishay 30 ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Cabdifitaah Omar Halane, afhayeenka gobolka Benaadir ayaa VOA u sheegay in qaraxan uu ka dhacay meel ay joogaan dad rayid ah oo masaakiin ah iyo qaar ka tirsan shaqaalaha dekedda oo sugayay inay dekedda gudaha u galaan.

Cabdifitaah Xalane wuxuu beeniyay sheegashada kooxda al-Shabaab ee ah inay askar halkaasi ku dileen.

Duniya Maxamed oo ka tirsan cisbitaalka Madina ee Muqdisho ayaa sheegtay in cisbitaalkooda la soo gaarsiiyay maydadka 21 qof, iyo dhaawacyo gaaraya 28 qof.


Madaxweynaha Somalia Xasan Shgeekh Maxamuud ayaa canbaareeyay qarax maanta, isagoo ciidamada iyo shacabka Somalia ugu baaqay inay iska kaashadaan ciribtirka kooxaha sida gaarka ah u bartilmaameedsada goobaha shacabka.

Dhageyso Qaraxa Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:28 0:00

XS
SM
MD
LG