Isku xirrada

DF Somalia oo ka Hadashay Joojinta Xoolaha


Sawir Hore

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay warqad ka timid dhinaca Boqortooyada Sucuudiga oo sheegaysa in si ku meel-gaadh ah ay u joojiyeen dhoofka xoolaha Soomaalida iyagoo taasina ay u aaneeyeen sida la sheegay xanuun laga helay xoolaha, taasi oo aysan weli xaqiijin dhakhaatiirta caalamiga ah.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Soomaaliya ayaa sheegay inaanay aaminsanayn in xoolaha Soomaalida uu xanuun ku dhacay, wuxuuna sheegay inay haatan bilaabeen baadhis rasmi ah oo ay ku ogaanayaan sababta dawladda Sucuudigu xustay inay jirto iyo inkale.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa arrimahan ka waraystay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid.

XS
SM
MD
LG