Iska horimaad ayaa maanta ka dhacay deganaka Haawina oo u dhexeeya Dhoobley iyo Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose.
Iska horimaadka ayaa dhacay markii maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo baabuur milatari ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo saad u siday dhinaca magaalada Dhoobley.
Baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga Kenya ayaa la sheegay inuu khasaare kasoo gaadhay weerarkaasi.
Ilaa hadda ma cadda tirada askarta iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee wax ku noqday iska horimaadkan.