Iska horimaadyo goosgoos ah ayaa weli ku dhex maraya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada taabcsan Daacish dhulka buuralayda ah ee Koonfur kaga toosan magaalada Qandala.
Ciidamada Puntland ayaa maanta la sheegay inay qabsadeen goob fadhiisin u ahayd maleeshiyada Daacish.
Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu iminka joogsaday, kadib muddo kooban oo uu socday. Waxaan weli caddeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa VOA u sheegay in gaari nooca ah raaxada ah oo ay lahaayeen maleeshiyada ay gacanta ku dhigeen.
Faahfaahhinta hawlgalladan milatari ayaa Ismaaciil Xuseen Farjar uu ka waraystay weriyahayaga Faadumo Yaasiin Jaamac.