Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka Oo Baaq Ujeedisay Madasha Qaran


Madaxweyne Xasan oo la kulmay wakiilada beesha caalamka
Madaxweyne Xasan oo la kulmay wakiilada beesha caalamka

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqdey Madasha Hogaamiyayaasha Qaran in ay awoodooda u isticmaalaan in ay wax uga qabtaan ugana hortagaan xad gudubka iyo cadaalad darada ka dhex jirta hanaanka doorashada. Xadgudubkaas ayey beesha caalamku sheegtey in ay ka mid yihiin, gaboodfal iyo cabsi gelin lagula kacay musharixiinta ergooyinka oo la maquunsadey iyo liiska musharixiinta iyadoo loo isticmaalayo ciidamada amaanka iyo hantida dowladda si musharax xildhibaan mid kale looga hormariyo.

War-saxaafdeedkan oo ay soo saareen QM, Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, Britain iyo Mareykanka ayaa sidoo kale ka hambalyeeyey guusha laga gaarey soo xulista xubnaha labada Aqalk ee doorashada 43ka xubnood ee Aqalka Sare iyo 112 xildhibaan ee aqalka hoose

Beesha Caalamka ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtey in in ay muhiim tahay in Baarlamanka cusub iyo dowlada cusub ee soo socta lagu doorto shuruucdii ay dejiyeen madasha hogaamiyayaasha Qaran oo ay fulinayaan gudiga heer federal ee doorashooyinka dadban iyo kuwa heer gobol, iyagoo intasa raaciyey in hanankan oo si sharci ah loo isticmaalo uu muhiim u yahay aqbalaada iyo kalsoonida lagu qabo karo baarlamanka cusub iyo dowlada laga sugayo.

Beesha caalamka waxa ay talo ku soo jeedisey in ay caafimaad iyo niyad sami ku jirto in dib loo eego si xun u maamul badan oo soo baxay in dib loo saxo, iyagoo ugu danbeyna sheegey in ay dareenkooda soo jiidatey dhacdooyin heerkoodu sareeyo oo ka hor imanaya sharciga iyo xeerarka doorashada oo ay ka mid tahay Musuq Maasuq, codad la iibsadey handadaaad iyo cabsi gelin loo geystey musharixiinta, ergooyinka wax dooraneysa, odayaasha dhaqanka iyo dad kaleba.

XS
SM
MD
LG