Arbacadii shalay waxa lagu soo gaba gabeeyey magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka, maxkamadeynta 9 dhalinyaro ah oo 8 ka mid ahi ay Soomaali ahaayeen, halka ka kalena uu u dhashay qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.
Dacwaddan oo socotay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa dhalinyaradan lagu xukumay inta u dhaxdaysa hal sano ilaa 35 sano.
Haddaba sidii maxkamaddii shalay ay u dhacday iyo sawir guud ee maxkamadeynta ku saabsan waxa inoo haya wariyeheena Minnesota, Maxmuud Mascadde.