Khadkii telefonada ayaa maanta ka go’an deegaanada Jubbooyinka oo ay ku jirto magaalada Kismayo. Waxa hawada ka baxay adeegyadii telefoonada ee labada shirkadood ee Hormood iyo Nationlink oo deegaankaas ka hawlgala.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa VOA u xaqiijisay in adeegyadani ay go’an yihiih. Madaxtooyada ayaa talaabadan ku eedeysay ururka Alshabab.
Toddobaadyadii u dambeeyey waxa magaalada Kismaayo ka socday dhaqdhaqaaqyo military oo si wadajir ah ay u wadeen ciidamada dawladda Somalia iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo doonaya inay la wareegaan degmada Jilib oo ah magaalo ay ku xoog badan yihiin maleeshiyada Alshabab.
Toddobaadkii kore ayey ahayd markii kooxdu ay jirtay isgaarsiinta degmada Afmadow, in yar ka hor weerar ay kooxdu magaaladaas ku qaadday.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ka hor inta khadka telefonka ee maantu aanu go’in ay duqeyni ka dhacday deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe.