Isku xirrada

War Deg-Deg ah

 Barakac Ka Bilowday Qandala


Maabka Puntland, Soomaaliya.
Maabka Puntland, Soomaaliya.

Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheeagaya in qoysas badan ay halkaasi ka barakaceen.

Qaar ka mid ah dad kasoo barakacay oo lasoo xiriiray VOA ayaa sheegay in dadka kasoo baxay magaalada ay hada gaareen tuulooyin u dhaxeeya Qandala iyo Boosaaso.

Sababta ku qasabtay in ay guryahooda ka barakacaan ayey ku sheegeen in kooxda qabsatay magaalada ee xiriirka la leh ururka Daacish ay bilaabeen in ay dhufeyso ka qotaan gudaha iyo daafaha magaalada, xilli ay ciidamada Puntland halkaasi ku wajahanyihiin.

Degmada Qandala ayaa waxaa dhawaan qabsaday koox sheegatay in ay ka tirsanyihiin ururka Daacish ee ka dagaalama Suuriya iyo Ciraaq, kuwaas oo uu hogaamiyo wadaad la yiraahdo Cabdulqadir Muumin.

XS
SM
MD
LG