Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sargaal iyo Haweenay Lagu Diley Muqdisho


Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in galabta dablay aan haybootada la garayn ay gurigiisa ku toogteen sarkaal sare oo ka tirsan nabadsugidda. Sarkaalka ayaa lagu magacaabi jiray Korneel Cabdicasiis Caraaye, waxaan dablayda la sheegya inay dabagaleen oo ay gurigiisa ku dileen.

Sarkaalka la dilay waxa uu ka tirsanmaa hay'adda nabadsugidda qaranka waxaana uu ka tirsanaa xafiiska hawlgallada. Majirto cid loo qabtey dilka sargaalkan kadib marki ay dableydi dishey baxsadeen.

Dhanka kalena, xaafadda Hodan ee magaalada muqdisho ayaa waxaa uu qarax ka dhacay suuq Qaadka lagu qaybiyo, waxaana ku dhintey haweenay. Waxaa la rumeysanyahay in walxaha qarxa lagu xirey gaari uu leeyahay nin ganacsade ah, suuqana uu ku qarxay gaarigaasi.

XS
SM
MD
LG