Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga Doorashada: 65% Aqalka Sare Waa La Soo Dhameystirey


Doorasho
Doorasho

Guddiga federaalka hirgelinta doorashada dadban ayaa warsaxaafadeed uu soo saarey ku sheegey in 65% xubnaha aqalka sare la soo dhameystirey.

Gudiga doorashada ayaa sidoo kale soo dhaweeyey maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed oo ku guuleystey in xubnihii kootada dumarka soo dhameystirey, iyagoo Jubbaland-na ku ammaanay inay soo xuleen xubnaha maamulkaasi ugu matali doona aqalka sare.

Sidoo kale guddiga doorashadu waxa ay soo bogaadiyay doorashada maamulka Hir-Shabeelle, isagoo ugu baaqey in ay soo de dejiyaan magacaabista musharixiinta u tartamaya aqalka sare, ayna dhowraan guud ahaan shuruudaha ay madasha u dejisey magacaabista musharixiinta u tartamaya aqalka sare iyo xubnaha haweenka.

XS
SM
MD
LG