Isku xirrada

War Deg-Deg ah

10 Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Afgooye


Shabaab
Shabaab

Ugu yaraan 10 ruux, ayaa lagu waramaya inay ku dhinteen, tiro kalena ay dhaawacmeen, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, gelinkii dambe ee maanta, sida ay goob joogayaal VOA u sheegeen.

Weerarka, ayaa la tilmaamay in uu ku billowdey qarax, dabadeena ay maleeshiyaad Shabaabka ka tirsan gudaha u galeen qeyb ka mid ah saldhigga booliska.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah.

Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in Shabaab ay la wareegeen muddo kooban magaalada inteeda badan.

Dhageyso Warkii ugu Dambeyay Dagaalka
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:31 0:00

XS
SM
MD
LG