Shirkad ka shaqayn doonta nadaafadda iyo soo celinta bilicda magaalada Muqdishu ayaa maanta soo bandhigtay qalab nadaafadeed ka kooban gaadiidka qashinka qaada, haamaha qashinka lagu shubo, iyo mootooyin ay saaranyihiin haamo.
Goobta lagu soo bandhigay qalabka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan shiikh Maxmauud, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir,waxaana nadaafadda Muqdisho qandaraas lagu siiyey hirkadda ECO.