Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax ka Dhacay Suuq Bacaad


Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay agagaarka Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshid. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay baabuur ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa. Ilo wareedyo aanu ka helnay dhinaca amniga ayaa sheegaya in booliisku ka shakisnaayeen in baabuurku u socday bartilmaameed kale oo aan ahayn halka uu ku qarxay.

Khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaan weli caddayn. Dhowaaqa qaraxa ayaa laga maqlay meelo ka fog suuqa uu qaraxu ka dhacay.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa qaraxan ka waraysatay af-hayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane.

Dhageyso Qarax Suuq Bacaad
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:15 0:00

XS
SM
MD
LG