Xaaladda magaalada Gaalkacayo ayaa deggan ka dib markii ay shalay ka dhaceen dagaallo dhex maray maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana soo baxaya baaqyo nabadeed oo ay jeedinayaan qaybaha kala duwan ee bulshadu.
Sidoo kale warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madashada Hoggaanka Qaranka ee Soomaaliya ay ugu baaqayso Puntland iyo Galmudug inay si deg-deg uga wada shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa dagaalada soo noqnoqday ee ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.
"Xiriir khadka telefonka ay ku yeesheen dhammaan madaxda Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa waxay ku muujiyeen walaacooda ku saabsan qatarta ka imaan karta colaadda ka taagan Gaalkacyo oo ay ku tilmaameen mid ka hor imaaneysa dadaalka dib u heshiisiinta iyo guud ahaan geeddi socodka doorashooyinka 2016." ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkan.
Madasha ayaa sidoo kale xustay in shirka uga furmaya magaalada Muqdisho maalinta Talaadada oo ku beegan 10-ka October, ajandaha ay ka hadli doonaan uu ka mid noqon doono dagaalka Gaalkacyo.