Dhawaan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shan malyuun oo qof oo Soomaali ah, ama shanti qofba laba ka mid ah – aysan hesyan cunto ku fillan.
Qaramada Midoobay waxey ku baaqday in gargaar deg deg ah lala gaaro Soomaaliya.
Tiradan ugu dambeysay ayaa ka dhiggan in tirada dadka cuno yarida ay heysato ilaa iyo bishii February ay ku soo kordheen saddex boqol oo kun oo qof.
Hadaba Maxaa dowladda Somalia uga qorsheysan cuna yarida la sheegay inay heysato shacabkeeda?
Wariyaha VOA-da ee London , Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa su’aashaa iyo kuwo kaleba weydiiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya, Cabdicasiis Saalax Carmaan oo ku sugan Muqdisho.