Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Somaliland oo Go'aan ka Gaartay Doorashooyinka


Doorashada Somaliland
Doorashada Somaliland

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa go'aan ka soo saartay muddada qabashada doorashooyinka madaxtooyada iyo Wakiillada oo hore khilaaf uga taagnaa, taas oo madaxweyne Siilaanyo go'aan uu soo saaray ku sheegay in la kala qaadayo labada doorasho oo hore ugu muddaysnaa in la wada qabto.

Go'aankan maxkamadda dastuuriga ah ayaa ka dambeeyay dalab madaxweyne Siilaanyo kaga codsaday maxkamadda inay fasiraad sharci ka soo saaraan go'aankiisa.

Sidoo kale, Xisbiga waddani ayaa isla maxkamadda hore ugu gudbiyay dacwad ka dhan ah go'aankaas.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa go'aanka maxkamadda iyo diiwaan gelintii doorashooyinka oo maanta la soo gunaanaday inooga soo diray warbixintan.

Warbixin: Barkhad Kaariye
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00

XS
SM
MD
LG