Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo Walaac ka Muujisay Go'aanka Siilaanyo


Siilaanyo
Siilaanyo

Dawladda Britain ayaa sheegtay in beesha caalamku walaac ka qabaan go'aankii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku kala qaaday in mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka oo hore loo qoondeeyay inay mar wada qabsoomaan horraanta sannadka dambe.

Sida lagu sheegay warmurtiyeed ka soo baxay Xafiiska dawladda Britain ku leedahay Hargeysa, waxa lagu tilmaamay in go'aankaasi uu wiiqi karo kalsoonidii lagu qabay dimuqraadiyadda Somaliland. Hase ahaatee, madaxtooyada Somaliland ayaa hore go'aankaa ugu tilmaantay mid ka turjumaya danaha dalka.

Waxa warbixintan magaalada Hargeysa ka soo diray Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.

Britain oo walaac ka muujisay go'aanka Siilaanyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:15 0:00

XS
SM
MD
LG