Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Madasha


Madasha
Madasha

Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee oo muddo toddobaad ah ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta lasoo Gaba-gabeeyay.

Mudadii uu shirkaasi socday ayay Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu kaga hadleen hannaanka doorasho ee dalka ka dhacaysa iyo qodobbo dhawr ahaa oo la isku qabtay, balse markii dambe la sheegay in is afgarad laga gaadhay.

Qodobaas waxaa ka mid ah tirada uu ka koobnaanaayo aqalka sare ee baarlamanka iyo sida loo qeybsanayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka soo xidhay, isagoo ka Warbixiyay muddadii uu socday shirku iyo go’aanada la gaadhay.

Waxaana Shirkan lagu magacaabay guddi amni oo uu guddoomiye uu u yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Wariyaha VOA-da Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan nooga soo diray.

Qodobo laga soo saaray shirkii madasha
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:20 0:00

XS
SM
MD
LG