Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaar ka Mid Ah Madaxda IGAD oo Muqdisho Tagay


Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul Wasaare Hailemariam
Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul Wasaare Hailemariam

Madaxweynaha dalka Kenya iyo ra’’isul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo uu shir uga furmayo madaxda ururka IGAD.

Uhuru Kenyatta iyo Hailemariam Desalegn ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale la filayaa in madax kale oo ka socda ururka IGAD ay magaalada soo gaaraan ka hor inta uusan si rasmi ah u furmin shir madaxeedka ururkaas.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa in maanta ay ku shiraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya markii ugu horreysay tan iyo sanaddii 1986-kii markaasi oo ururka la aasaasay.

Shirkan maanta furmaya ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dalalka Soomaaliya, oo martri-gelineysa, Kenya, Jabuuti, Uganda, Ethiopia, Sudan iyo Koonfur Sudan.

XS
SM
MD
LG