Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Xajka Sanadkan Iyo Maareynta Sacuudiga


Muslimiin ah ka badan hal milyan oo ku suggan magaalada barakeysan ee Macca ee dalka Sacuudiga ayaa maanta taagan buurta Carafo, iyagoo gudanaya waajibaadkooda xajka ee sanadlaha ah.

Xajka oo ah rukni ka mid ah shanta tiir ee Islamka ayaa sanadkan waxaa gudanaya xujaay ku dhow laba malyuun , iyagoo Maanta oo dhan taaganaan doona buurta Carafo iyagoo duceysanaya.

Iran ayaa iyadu qaadacday inay xujeey ka socotaa ay tagaan xajka sanadkan, iyadoo sabab uga dhigtay in Sacuudigu uusan awood u laheyn inuu si deg deg ah uga jawaabo hadii ay dhacdo xaalad caafimaad ama halis ay gasho nolosha xujeeyda.

Kukamaan Shiica ah ayaa isugu tagay magaalada Ciraaq ku taala ee Karbala iyagoo aaminsan inay xaj ku oogayaan halkaas.

Intii uu socday xajkii sanadkii la soo dhaafay, ayaa dhowr boqol oo ka mid ah ugu yaraan 2,000 oo qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday magaalada Makka waxey ahaayeen dad u dhashay Iran.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay Iran qaadacdo Xajka, laakiin waxey ku soo beegmeysaa iyadoo xiisadda ka dhex oogan Iran iyo sacuudiga ee la xiriirta colaadda Syria iyo Yemen, oo Tehran iyo Riyadh ay kala taageersanyihiin dhinacyada isku haya, ay mareyso meeshii ugu sareysay.

Sacuudiga ayaa cilaaqaadka u jaray Iran bishii January ka dib markii dad mudaaharaadayay ay dab qabadsiiyeen Safaaradda Sacuudiga ee Tehran, ka dib markii Sacuudigu uu dilay wadaad Shiica ahaa oo caan ahaa oo la oran jiray, Sheikh Nimr al-Nimr.

Todobaayaddii u dambeeyay ayaa hadalada ay isweydaarsanayaan labada wadan waxey ahaayeen kuwo kulkulul.

Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran , Ayatollah Cali Khamenei, ayaa sheegay in Sacuudigu uusan xaq u laheyn maamulista goobaha barakeysan ee Islamka, isagoo ku eedeeyay qoyska boqortooyada inay masuul ka yihiin dhimashada dadkii sanadkii la soo dhaafay isbuurashada ku geeriyooday.

Wadaad caan ah oo sacuudi ah ayaa u jawaabay oo sheegay in hogaamiyeyaasha Iran aysan aheyn Muslimiin sax ah.


Walaaca Laga Qabo Badqabka Xujeyda

Boqortooyada Sacuudiga ayaa laba laabtay dadaalada ku aadan bad qabka iyo amaanka xajka, isku day ay ku dooneyso inaysan dhici musiibadii dhacday sanadkii la soo dhaafay.

Wargeyska Arab News ayaa qoray in masuuliyiinta xajka maamulaa ay sameeyeen ilaa iyo 1,000 tababar oo dhinaca badqabka oo la siiyay u adeegayaasha xaja.

Waxaa la geeyay 26,000 oo isugu jira shaqaale caafimaad, kuwa dhinaca farsamada iyo shaqaale kale oo gacan ka geysta howlaha xajka, gaar ahaam magaalooyinka Makkah, Medina, Carafat iyo Mina.

Waxaa kaloo xajka lagu diyaariyay ilaa 175 aambalaas.

Ciidamada Amaankuna waxey xajka ku xireen ilaa iyo 1,000 kamaradaha dhaq dhaqaaqa lagula socda ah.

Xujeyda waxaa gacma loo geliyay Jijimo biyaha u adkeysan kara oo lagu keydiyay macluumaadka xaajiga iyo xaladiisa caafimaad, dadaal la doonayo in gurmad loogu fidiyo xujeyda kooda xanuunsada ama dhaawacma.

Kaliya caafimaadka ma aha waxa sanadkan uu Sacuudigu xoogga saaray. Bishii July ee sanadkii hore ayaa sadex qof oo isa soo miidaamiyay waxey weerar ku qaadeen sadex goobood oo kala duwan oo ku yaala Sacuudiga, oo ay ku jirtay Medina, oo ah halka uu ku aasanyahay Nabi Maxamed (NNKH).

Inkastoo aysan cidina sheegay hadana sacuudiga ayaa aaminsan inay ka dambeysay kooxda ISIS ee ka Talisa qeybo ka mid ah Syria iyo Ciraaq.

Qaraxyadaas ayaa shaki geliyay awoodda boqortooyada sacuudigu ay u leedahay inay difaacista muwaadiniinta Sacuudiga iyo Xujeyda dalkaasi martida u ah sanad walba.

Sacuudigu waxa uu sanadkan xadiday tirada fiisayaasha ee uu dal walba siin jiray si loo yareeyo tirada dadka xujeyda oo sanadkii hore ka tan badiyay xajka.

Xujeyda oo dhan waxaa la siiyay kaarar aqoonsi waxaana goobo isu dhow dhow ay bar kantoroollo u yaalaan ciidamada booliska si dadkaa ay u hubiyaan.

Ficiladda Xujeyda



inta uu socdo Xajka ayaa xujeydo waxey gutaan acmaal kala duwan,oo ay ka mid yihiin dawaafka dhagaxa madow ee kabcada ee ku dhex yaala Masjidka Weyn ee Makkah , halkaa oo ah bartii Nabi Ibrahim Caleyhi Salaam uu ka taagay tiirkii ugu horeeyay ee xajka.

Waxaa sidoo kale xujeydu ay ka soo cabaan ceelka biyaha samsamka, oo ay aaminsanyihiin inay dawo yihiin, waxaana ay gutaan sheydaan tuurka.

Muslimiinta ayaa aaminsan in marka ay soo xajiyaan ilaah u dhaafay dhamaan dambiyadii ay horey u soo galeen, isla markaana ay noqonayaan dambi la’aan.

Marka uu xajka soo dhamaado ayaa waxaa xigta munaasabadda maalinta Ciidul Adxaa oo ku beegan berito oo Isniin ah.

Waa maalinta ugu muhimsan diinta Islamka , waana maalin lagu xusuusto, markii Nabi Ibrahim uu cibaadada maalintan darteed uu u niyeystay nuu gowraco wiilkiisa Isxaaq.

Muslimiinta dunida oo dhan ayaana maalinta u dabaal degaya, iyagoo allah dartii u gowracaya xoolo, gaar ahaan lo’da, arriga iyo idaha.

XS
SM
MD
LG