WASHINGTON. DC —
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta go'aan uu soo saaray ku sheegay in la kala reebo doorashooyinka madaxweynaha iyo golaha wakiillada oo la filayay in sannadka dambe isku mar la qabto.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu guddi u saaray saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka oo uu muran ka taagnaa, sidaana waxa warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa warbixintan nooga soo diray Hargeysa.