Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cayaaraha Olombikada oo Lasoo Geba Gebeeyey


Ciyaaraha Olombigga ee mudada 16 maalmood ah ka socday dalka Barazil ayaa xalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, iyadoo xaflad qurux badan oo lagu sagootinayay laqu qabtay garoonka Maracana.

Cayaarahan oo ay aheyd markii ugu horeysay ee lagu qabto dal ku yaala koonufrta America, ayaa intii ay socdeen waxey kulansadeen rikooro cusub oo ay tartamayaasha cayaaraha kala duwan dhigeen, guulo iyo guul darooyin ay ka qeyb galayaasha halkagaa kala tagayaan.

Xafladdii xiritaanka ee xalay ayaa waxaa lagu soo bandhigay mahrajaan qurux badan oo socday ku dhawaad 3 saacadood.

Waxaa la adeegsaday, Bulullayr, nalal midabbo kala duwan bixinaya oo garoonka lagu xardhay, cayaaro ay ku jirtay tan dalka Brazil uu caanka ku yahay ee Salsada, iyo calamada wadamaddii ka qeyb galay tartanka oo babanayay.

Markii ay xafladdu soo dhamaatay ayaa sidii caadada aheyd waxaa Calanka olombigga lagu wareejiyey gabadha mayorka ka ah magaalada Tokyo oo 2020ka Cayaaraha Olombigga aduunka martigelineysa.

XS
SM
MD
LG