Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Maxkamad lagu Saaray London


Maxkamad ku taalla London ayaa la horkeenay wiil 19 jir oo asalkiisu Soomaali ahaa, kaas oo loo heysto eedeymo la xiriira in uu middi ku dilay haweeney Mareykan ah bartamaha London toddobaadkii hore, isagoo dhaawaceyna shan kale.

Zakariya Bulhan, oo heysta dhalashada dalka Norway ayaa loo heystaa dilka Darlene Horton, oo 64 jir aheyd iyo waliba eedeymo kale oo la xiriira isku dey dil illaa iyo shan qofood.

Zakariya ayaa dad midi ku weeraray Arbacadii fagaaraha London Russel, waxaana halkaasi markii gaaray booliis hubeysan.

Saraakiil ka tirsan booliska London ayaa sheegay inaysan wali kala caddeyn in weerarkaasi wax lug ah uu ku lahaa argagixisanimo, waxayna sheegeen in Zakariye uu xanuunka dhimirka qabay.

XS
SM
MD
LG