Iyadoo ay waayadan soo badaneysey dilal lagu eedeeyey booliska Mareykanka ee Cadaanka ah inay ugeysanayaan qowmiyada dadka Madowga ah ee mareykanka, ayaa haddana waxaa soo badanaya dhalinyarada Somalida Mareykanka ee ku biirayo ciidamada Booliiska ee amniga gudaha. Malikow Cisman Hamadi waxuu ku nool yahay gobolka Ohio oo ah deegaan ay somalidu ku badantahay, waxaa uu sheegay inay wax weyn uga dhigantahay Somalida iyo isaguba xilkiisa Booliisnimo. Sahra Abdi Ahmed oo la xariirtey ayaa warbixintan gaarka ah ku eegaysa nolosha Malikoow Cisman Xamadi iyo sida ay u bedeshay shaqada u hayo.