Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey: Ciidanka oo Afganbi Isku-dayay


Milatariga Turkey ayaa sheegay inay xukunkii qabsadeen oo ay dowladdii inqilaabeen. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in qeyb ka mid ah militarigu ay isku dayayaaninay xukunka qabsadaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in kuwa ka danbeeyay afganbigan tallaabo adag laga qaadi doono, wuxuuna dadka ku booriyay inay fagaaraha isugu soo baxaan oo ka dhiidhiyaan iskudayga ciidamadu ay ku doonayaan inay ku qabsadaan xukunka.

Warar ayaa sheegaya in ciidamadu ay afduub ahaan u haystaan dad uu ka mid yahay madaxii ciidamada oo ku haystaan magaalada caasimadda ee Ankara.

Ciidamada ayaa xiray laba boondo oo ku yaalla magaalada Istanbul, waxaana la arkayaa diyaaradaha dagaalka oo joog hoose ku socda oo dulmaraya magaalooyinka Ankara iyo Istanbul.

Garoonkii diyaaradaha Istanbul duulimaadyadii ayuu joojiyay.

XS
SM
MD
LG