Maleeshiyada ururka al-shabab ayaa weerar ku qaaday huteelka Naaso Hablood 1 oo ku yaalla isgoyska KM4 sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Goobjoogayaasha ayaa maqlay qarax xooggan iyo rasaas is xiga, waxaana wararku sheegayaan in xilligan uu dagaal ka socdo gudaha huteelka. Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar maleeshiyo aha oo gudaha u galay huteelka.
Weriyaha VOA ee Muqdishu Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa sheegay inuu gudaha hoteelka uu ka maqlayo dhowaaqa rasaasta iyo qarax loo malaynayo inay yihiin bambooyin ay tuurayaan.
Waxa uu sheegay weriyahayaga in goobta ay soo gaadheen ciidamada Alpha group ee sida gaarka ah u tababaran iyo booliis
Khasaaraha weerarkan ayaa ila ahadda caddayn. Goobjogayaashu waxay sheegeen inay arkeen baabuurta ambulaaska oo kusii qulqulaya goobta.
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helno Muqdishu waxay sheegayaan inuu gubanayo kaalin shidaal oo ku yaalla meel u dhow huteelka Naaso-Hablood.
Al-Shabab ayaa inta badaan weerarro ku qaada huteellada iyo dhismayaasha kale ee muhiimka ah.
Toban maalmood ka hor ayaa Matt Bryden oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika waxa VOA wax ka weydiisay sida uu u arko weerrada is daba joogga ah ee Al-Shabab gaysato.
“Meesha weli dhibku ka jiro waxa weeye Muqdishu gaar ahaan oo weerrada iyo xeelado isku mid ah la adeegsado sannad walba kuwaasi oo iskugu jira qarax ismiidaamin ah iyo maleeshiyo hubaysan oo gala dhismayaasha taaso oo mar walba ay ku guulaystaan, waa taas meesha aan u baahanahay dadaal dheeraad ah in laga galo sidii loo kordhin lahaa kartida iyo xirfadda ciidanka amniga Soomaaliya.”
Waxay ahayd 19 maalmood ka hor markii maleeshiyada Al-Shabab ay weerareen huteelka kale ee Ambassador halkaasi oo ay ku dileen dad ka badan 20 qof oo ay ku jireen laba ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka.