Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin Badan oo ay Baddu Liqday


In kabadan 700 oo muhaajiriin ah ayaa laga walwal qabaa in ay baddu liqday iyaga oo u tahriibaya Yurub, sida laga soo xigtay hay’adda UNHCR

Afhayeenka UNHCR Carlotta Sami oo arrintan faahfaahisay ayaa sheegtay in qiyaastii 100 qof la laayahay kuwaas oo saarnaa doon degtay arbacadii.

Ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa muuqaal naxdin leh ka duubay doontaasi xiligii ay degaysay inkasta oo ay u gurmadeen.

Qaybo ka mid ah Muuqalo ay duubeen cidmada Talyaaniga xiligii doonto degaysay
Qaybo ka mid ah Muuqalo ay duubeen cidmada Talyaaniga xiligii doonto degaysay

UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 550 muhaajiriin ah la laayhay kuwaasi oo iyaguna saarnaa doon degtay Khamiistii iyada oo ka soo baxday magaalada Sabarta ee Libiya maalin ka hor.

Afahayeenka UNHCR ayaa sheegtay in qaxooti kale oo arkayay markii doontaasi oo ay saarnaayeen 670 qof ay degaysay inay doontaasi ahayd bilaa mishiin iyada ay jiidaysay doon kale oo iyaduna buuxday, ku dhawaad 25 qof ayaa ku guulaystay inay dabaashaan oo ay gaadhaan doonta hore oo ay sidaas ku badbaadaan, sagaal iyo todobaatan kale ayaa waxaa badbaadiyay doonyaha ilaalada badaha ee caalamiga ah, waxaana badda laga helay shan iyo toban mayd ah.

Booliska talyaaniga ayaa ka waraystay sida ay wax u dhaceen khamiistii dadkii soo badbaaday,kuwaasi oo tira kala duwan sheegay waxaana muuqata in tirade dhabta ah aan la xaqiijin Karin .

Sida laga soo xigtay dadkii badbaaday, doonta labaad ayaa waxaa saarnaa 500 oo qof markii waxaana ay biyuhu soo galeen markii ay sideed saacadood socotay… rakaabka ayaa isku dayay inay biyaha ka dhuraan hase ahaate waa ay ku guul daraysteen waxaanay biyhu buuxiyeen doonta sacad iyo badh ka dib, iyadaa oo xiligaasi uu wadihii doonta hore ee wax jiidaysay uu amar ku bixiyay in xadhiga loo jaro doonta biyuhu sii liqayeen.

Dadkii qaybta saree e doonta saarnaa ayaa baddu u booday, laakin 300 oo qof oo la sheegay inay ku jireen khanka hoose ee doonta ayay baddu liqday, waxaana laga soo badbaadiyay oo kaliya 90 qof.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in ninka doonta wax jiidaysay waday uu ahaa nin soodaani ah oo 28 jir ah kaasi oo boolisku ay sheegeen in ay soo qabteen.

Afhayeenka UNHCR ayaa sheegtay inay jirto doon kale oodegtay jimcihii taasi oo sidday 135 qof waxaana la helay maydka 45 qof iyo tiro dad badbaaday ah iyada oo in bandanna la laayahay.

Dadka badbaaday ayaa la geeyay dekadaha magaalooyinka Taranto iyo Pozzallo ee Talyaaniga

Afhayeenka ayaa tilmaantay in hay’adda UNHCR ay isku dayayso in si taxadar leh u ogoaato macluumaadka xasaasiga ah maadaama dadku ay isugu jiraan qaar doonta degtay ka badbaaday iyo qaar la qaracsan dhacdada naxdita leh ee ay arkeen.

Todobaadkii hore, 4 kun oo qof ayaa isla hal maalin la soo badbaadiyay, kuwaasi oo lagu badbaadiyay hawlgal caalami ah oo ay hogaaminayaan ciidamada talyaanigu.

XS
SM
MD
LG