Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Galabta Ka Dhacay Magaalada Beledweyne


Beledweyne
Beledweyne

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta gelinkii dambe ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in mid ah uu yahay shacab.

Ilo-wareedyo ayaa VOA u sheegay in dagaalka uu billowda kadib markii maleeshiyo hubeysan ay rasaas ku fureen qof joogay goob ganacsi, oo ku taalla xaafadda Howlwadaag.

Dagaalka oo ah mid aano qabiil la xiriira ayaa daba socda iska horimaad toddobaadkii tagay ka dhacay tuulo 20 KM u jirta magaalada Beledweyne.

Labada beelood ee dagaalka uu dhex marayo ayaa horraantii sanadkan sidoo kale ku dagaalmay magaalada Bledweyne, ayada oo in ka badan 20 qof ay ku dhinteen dagaalladaas.

Warkan waxaa Beledweyne kasoo diray weriyaheena Xuseen Xasan Dhaqane.

Dagaal ka dhacay Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:13 0:00

XS
SM
MD
LG