Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarado Weerar Kale Ka Fuliyey Gobolka Sh/Hoose


Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in weerar kale uu ka dhacay xalay degaanka Furuqlay oo 25km dhinaca waqooyi Galbeed ka xiga magaalada Afgooye halkaasi oo ay weerareen diyaarado helikobtarro ah oo aan la ogbayn waddnaka iska leh.

Wararu waxay sheegayaan in weerarka lala bartilmaameedsaday goob bar kontorool ah oo ay canshuuraha ku qaadaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay in ugu yaraan 5 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay ku dhinteen weerarka.

Maalintii shalay ayey ahayd markii sida ay sheegeen saraakil ka tirsan ciidamada dawlada Soomaaliya ay diyaaradaha helikobtarrada ee Maraykanka ay duqeeyeen baabuur ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabab halkaasi oo ay ku dileen 7 maleeshiyo ah.

Pentagon-ka ayaa sheegay in dhimashada Al-Shabab ay ahayd shan maleeshiyo.

XS
SM
MD
LG