SANCA —
Xaalad nololeed oo aad u adag ayaa ka jirta dalka Yemen, taasi oo saameysay Soomaali badan, ayada dagaallo xoogan ay weli ka socdaan dalkaas.
Meelo ka mid ah dalka Yemen, ayaa kooxaha dagaalamaya ay is hor-taageen in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku dhex macluulayo wadankaasi.
Arrintan ayaa saameysay Boqolaal Soomaali ah oo weli ku dhex sugan dalka Yemen, waxaana lagu soo warramayaa in daruufo nololeed oo aad u adag ay wajahayaan.
Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa sidoo ku jira xabsiyada wadankaasi sababo xagga sharciyada ah.
Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka kula xariirtey Xuseen Yoonis Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga Isku dubaridka gargaarka bani’aadanimo ee Yemen.