Askar ka tirsan ciidamada milatariga Britain ayaa maanta tagay Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.
Ciidamadan ayaa taageeri doono howl-galka Qaramada Midoobe ay taageerto ee Amisom ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.
Ciidamadan ayaa Amisom siin doonaa taageero dhinaca farsamada iyo caafimaadka ah.
Xoghayaha gaashaandhigga Britain, Michael Fallon ayaa sheegay in kadib ciidamadan horudhaca ah ee maanta tagay Muqdisho ay jira doonaan illaa 70 askari oo kale oo ciidamao British ah oo sanadkan gaari doona magaalada Muqidsho.
“Tegitaanka ciidamadan ee Soomaaliya waxa ay muujineysaa dadaalladeena ku aadan wax ka qabashada argagixisada” ayuu yiri Fallon.
Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa bishii September ku dhowaaqay in Britain ay ciidamo u direyso dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed.