Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Safiirka Somalia ee Switzerland


Dabeylaha Elnino
Dabeylaha Elnino

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Switzerland Faadumo Cabdullahi Maxamuud ayaa ka qeyb gashay shir looga hadlayey dhibaatooyinkii ka dhashay El Nino

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 60 malyuun oo qof oo ku nool guud ahaan dunida ay u baahan yihiin gargaar – maadaama ay saameyn xooggan ku yeesheen dabeylaha El Nino.

Qaramada Midoobay waxey sheegtay in qarashka lagu bixiyo gargaarka oo yaraaday iyo baaxadda dhibaatada ay halis gelin karto in dadka lala gaaro gargaarka ay u baahan yihiin ee naf bad baadint ah.

Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka sheegtay shir looga hadlayay waxyeelada El Nino oo shalay lagu qabtay magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland.

Goor sii horeysana 23 hey’adood oo kuwa gargaarka ka shaqeeya ee aan dowliga aheyn ah ayaa soo saaray digniin ku aadan macluul ka dhacda Soomaaliya.

Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa shirkaasi ka wareystay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Switzerland Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya).

Wareysi: Faadumo Insaaniya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00

XS
SM
MD
LG