Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump Iyo Clinton Oo Guulo Weyn Gaaray


Trump ayaa ku guuleystay dhammaan gobolladii xalay lagu tartamay ee woqooyiga bari ee Mareykanka, halka Clinton ay ku guuleysatay afar gobol.

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa ku guuleystay shan gobol oo kale, isaga oo guulo kala hoyday dhammaan gobolladii xalay lagu tartamay ee woqooyiga bari ee Mareykanka.

Trump ayaa si fudud ugu guuleystay gobollada Connecticut, Delaware, Maryland, Pennsylvania iyo Rhode Island, isaga oo gobol walba ka helay ugu yaraan 55 boqolkiiba codadka.

Isaga oo xalay la hadlayey taageerayaashiisa ayaa Trump waxa uu ku dhowaaqay in “tartanka uu dhammaaday”, wuxuuna isku magacaabay ninka ay u eg tahay in xisbiga Jamhuuriga uu u matali doono doorashada guud ee madaxtinimada.

Musharaxiinta Trump la tartamaya ee Ted Cruz iyo John Kasich ayaan ku guuleysan karin ergada loo baahan yahay, sidaas darteedna waxay dareenkooda u weeciyeen inay Trump ka hor-istaagaan inuu ku guuleysto.

Dhinaca xisbiga Dimoqraadigana, Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa ku guuleysatay afar ka mid ah shanti gobol ee lagu tartamay. Senator Bernie Sanders oo la loomaya ayaa ku guuleystay kaliya gobolka Rhode Island.

Clinton iyo Trump ayey hadda u muuqataa inay noqon doonaan musharaxiinta madaxtinimada Mareykanka ku loolamaya bisha November ee sanadkan.

XS
SM
MD
LG