Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kalfadhigii 8-aad ee Barlamanka oo Furmay


Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa furay Kalfadhigan oo ah kii ugu dambeeyay ee baarlamanka ka hor doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta furay Kalfadhiga Sideedaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana noqonaya kii ugu dambeeyay ee Baarlamanka ka hor doorashada dalka ka dhaceysa dhamaadka sanadkan.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo khudbad ka jeediyay Baarlamanka ayaa sheegay in go’aanada ka soo abxa shirarka socda ee salka ku haya doorashada dalka ugu dambayntii la horkeeni doono xildhibaanada si ay u ansixiyaan.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka hadlay fadhigga baarlamanka, ayaa ku baaqay in dowladda ay baarlamanka hor keento nidaam cad oo ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2016-ka.

Wariyeenna Cabdulqaadi Maxamed Cabdulle oo furitaanka kalfadhigan ka qeyb galay ayaa warbixintan nooga soo diray.

Kalfidhigga baarlamanka oo furmay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:37 0:00

XS
SM
MD
LG