Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir go’aan looga gaarayo qaabka doorashada Soomaaliya sannadkan ka dhacaysa, oo ay yeelanayaan madaxda dowlada dhexe ee Somalia iyo maamul goboleedyada. Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlayaa wadaaga Xeerka Amniga Qaran oo ay dowlada federalka usoo bandhigi doonto maamul goboleedyada.
Haddaba Shirka ayaa siduu ku bilowdey iyo qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo waxaa ay Sahra Abdi Ahmed ka wareysatey Daud Aweys Afhayeenka madaxtooyada.