Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa ka laabtay qorshe uu is-beddel ugu sameyn lahaa dastruuka, oo ay ku jirtay in jinsiyadda laga xayuubiyo qof kasta oo Faransiis ah oo lagu helo argagixisanimo.
Hollande ayaa waxa uu qorshahan soo jeediyey kadib weeraradii bishii November ee 2015 ka dhacay magaalada Paris, kuwaasi oo lagu dilay 130 qof, islamarkaana lagu dhaawacay 350 qof oo kale.
Golaha qaranaka iyo senate-ka Faransiiska ayaa awoodi waayey inay isku raacaan qorshahan.
Hollande ayaa waxa uu maanta sheegay inuu doonayey inuu mideeyo dalka, islamarkaana muujiyo inay ka jawwaabi karaan falalka argagixisanimada.
Hindisahan ayaa waxa uu mucaarado xooggan kala kulmay kuwa aaminsan in si aan caddaalad ahayn loogu bartilmaameedsanayo dadka muslimiinta ah.
Dadka qaar ayaa hindisahan la meel dhigay kii muwaadannimada Farannsiiska looga xayuubiyey yahudda intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.