Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Myanmar: Madaxweyne Cusub oo la Dhaariyey


Madaxweyne Htin Kyaw
Madaxweyne Htin Kyaw

Dalka Myanmar ayaa dhaariyey madaxweynihii ugu horreeyey oo rayid ah oo dalkaas uu yeesho muddo ka badan nus qarni.

Dalka Myanmar ayaa dhaariyey madaxweynihii ugu horreeyey oo rayid ah oo dalkaas uu yeesho muddo ka badan nus qarni.

Htin Kyaw oo 70 jir ah, ayaa maanta lagu hor dhaariyey xildhibaannada baarlamanka, isaga oo ballanb qaaday inuu daacad u noqon doono dalka Myanmar.

Waxaa sidoo kale la dhaariyey labada madaxweyne ku xigeen ee dalka uu yeelan doono Myint Swe iyo Henry Van Tio.

Dhaarinta Htin Kyaw ayaa waxa ay si rasmi ah usoo geba gebeeneysaa xukun buuxa ama qeyb Milatari ah oo dalkaas uu ku jiray tan iyo sanaddii 1962-kii.

Khudbaddii uu ka jeediyey xafaladda dhaarinta ayuu madaxweyna cusub waxa uu wacad ku maray inuu is-beddel ku sameyn doono dastuurka dalka, kana dhigi doono mid saldhiggiisu yahay dimoqraadiyad.

XS
SM
MD
LG