Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baaq laga soo Saaray Abaarta Soomaaliya


Sheekh Bashiir Salaad
Sheekh Bashiir Salaad

Hay'adda Culumada Soomaaliyeed iyo hay'adda Maareynta Musiibooyinka ayaa ku baaqay in loo gargaaro dadka abaartu saameysay.

Adduunka maanta waxaa laga xusayaa maalinta biyaha oo sanand walba la xuso 22-ka Maarso, waxaana ay kusoo aadday xilli abaaro ba’an laga soo sheegayo degaano ka mid ah Soomaaliya.

Roob la’aan xooggan ayaa keentay inuu hoos u dhaco biyihii weebiga Shabeelle. Dadka degaanka ayaa sheegay inaay arkeen markii ugu horraysay muddo ka badan 60 sano ee biyaha webiga Shabeelle uu marayo heerkii ugu xumaa marka ay noqoto biyaha ku jira.

Hay'adda Culumada Soomaaliyeed iyo hay'adda Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in xaaladda abaareed ee xilligan ka jirta Soomaaliya ay tahay mid halis ah, iyaga oo sheegay in meelaha qaar ay jirto dhimashoay sababtay abaarta.

Gudoomiyaha hay'adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo dowladaha Carbeed ee taageera in kaalmo degdeg ah la gaarsiiyo dadkaas xilligan biya la'aanta u dhimanaya.

Weriyayaasheena Beledweyne iyo Muqdisho Xuseen Xasan Dhaqane iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, ayaa warbixinadan noo soo diray, waxaana ku horeynaya Xuseen.

Warbixino la xiriira abaarta Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:17 0:00

XS
SM
MD
LG