Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Guul ka sheegatay Dagaalkii Shabaab


Cabdi Weli Gaas
Cabdi Weli Gaas

Mas'uuliyiinta Puntland ayaa ku dhowaaqay inay ka guulaysteen maleeshiyadii ururka Al-Shabab ee dhowaan ku duulay xeebaha bari ee maamulkaasi.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta ka soo degay magaalada Garoowe, waxaana uu sheegay in Puntland ay guul ka gaadhay dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey degaannada Suuj io Garacad.

Cabdi Weli Gaas, ayaa ammaanay jawaabta ay Puntland ciidankeeda iyo shacabkeedu ka bixiyeen weerarka Al-Shabaab.

Dhinaca kale, taliyayaasha ciidamada Puntland, ayaa saxaafadda usoo bandhigay maydad la sheegay in lagu dilay dagaalkii dooxada Suuj iyo maxaabiis la soo qabtay sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Mid ka mid aah taliyayaasha ayaa sheegay in dagaalaldii Suuj ay ku dileen 71 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab, halka ay soo qabteen 31 kale.

Al-Shabab ayaa ku duulay degaannada xeebaha ee Puntland 14-kii bishan Maarso, waxaana dagaalaldu bilowdeen 16-kii bishan.

Hoos ka dhagayso warbixinaha uu soo diray weriyahayaga Nuux Muuse Birjeeb.

Warbixinaha Puntland
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:08:31 0:00

Dhinaca kale, qof ka mid ah dadka deegaanka Suuj oo VOA la hadlay ayaa sheegay in meydad badan oo maleeshiyada Al-Shabaab ah ay yaalaan deegaanka.

Weriyaheena Axmed Cali Sheekh ayaa wareystay qofkaas oo magaciisa kusoo koobay Maxamed.

Xaaladda deegaanka Suuj
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:18 0:00

XS
SM
MD
LG