Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Garoosre Go'aan Ka Gaaray Qaxootiga Syria


Go'aanka garsoore ayaa meesha ka saaray amarka guddoomiyaha gobolka Indiana Mike Pence
Go'aanka garsoore ayaa meesha ka saaray amarka guddoomiyaha gobolka Indiana Mike Pence

Garsoore federaalka Mareykanka ah ayaa isniintii sheegtay in gobolka bartamaha woqooyi ee Indiana uusan joojin karin dib u dejinta qaxootiga Suuriyaanka, isaga amarka guddoomiyaha gobolkaas Mike Pence ku qeexay mid xadgudub ah.

Kadib weeraradii bishii November ka dhacay magaalada Paris, ayaa Pence waxa uu ku amray hay’adaha gobolka inay hakiyaan maal-gelinta kooxaha caawiya qaxootiga ee gobolka Indiana.

Waxa uu sheegay in amarkaas uu jiri doono inta uu ka helayo xaqiijin ku saabsan in tallaabooyin amni laga diyaarinayo.

In ka abdan 20 gobol oo kale ayaa qaatay go’aanka noocaas oo kale ah, ayaga oo cabsi ka muujiyey argagixisada.

Garsoore Tanya Walton Pratt ayaa sheegtay in lacagta oo laga joojiyo kooxaha adeegga bulshada aysan waxba ku dareynin danta gobolka ee ah xaqiijinta ammaanka dadka deggan gobolka.

XS
SM
MD
LG