Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK: Somali 15 Sano Oo Xabsi lagu Xukumay


UK map
UK map

Mahad Aadan, ayaa waxa uu qirtay dambi ah inuu sanaddii 2013 tooreeyey gabadh ay isku dhowaaayeen.

Mahad Aadan oo kamid ah Soomaalida ku nool Britain ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah kadib markii uu tooreeyey gabar ku nool dalka Britain, sanadkii 2013-ka.

Ninkan ayaa hadda Boolisku ay qabteen xilli uu dib ugu soo laabtay dalka oo uu ka baxsaday markii weerarkan uu gaystay.

Mahad, ayaa markii lasoo taagay maxkamadda, waxa uu qirtay dambiga ah inuu gabadha tooreeyey.

Gabadha la tooreeyey oo iminka 23 sano jir ahaa ayaa la sheegay in waqtigii uu dambiga dhaceyey ay saaxiibo ahaayeen Mahad.

Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixintan soo diray.

Soomaali lagu xukumay UK
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:44 0:00


XS
SM
MD
LG